Sweden: Aas-aasaha iskuulada Al-Azhar oo 4,5 xabsi ah lagu xukumay.

0
96
Foto: Wikipedia

Afar ka mid ah xubnihii hore ee maamulka ururka samafalka iskuullada Al-Azhar, ayaa lagu ridey xukun la xiriira dembi culus ee dhaqaale. Halka aasaasihii ururkaas lagu xukumey 4 sannadood iyo 6 bilood oo xarig ah.

Hoggaankii hore ee ururka samafalka shirkadda iskuullada, ayaa lagu tuhunsanaa  inuu 11 malyan oo koron ka qaaday khasnadda ururka, uuna ugu talagalay in lagu furo bangi islaami ah.

Shirkada: Nasoo wac, waxaad heleysaa saacad aan kiiskaaga ku dhageysano. Soomaali ayaa noo shaqeyso.

Waxaana aas-aasaha oo ah shaqsi soomaalida dhexdeeda caan ka ah lagu ridey xukun gaarsiisan afar sannadood iyo bar oo xarig ah, kadib markii ay maxkamada ku heshay danbi la xiriira wax is daba marin dhaqaale, eedeyn la xiriirta xisaab xirka iyo mid kale oo ku saabsan dhaqis lacag suuqa madow ah.

Sidoo kale waxaa laba sannadood iyo afar bilood oo xabsi ah lagu xukumey laba qof, halka mid saddexaadna lagu ridey xukun ah laba sannadood iyo laba bilood oo xarig ah. Kuwaasina oo lagu eedeeyey waxyaabo ey ka mid yihiin dembi culus oo la xiriira qarinta dembiile.

Maxkamada ayaa go´aankeeda ku cadeysay in urur samafal aysanba aheyn inuu wax lug ah ku yeesho howl la xiriir bangi ganacsi iyo mashruuc ka baxsan ujeedka guud ee ururka samafalka ah loo aas-aasay.

Xigasho/kilde: SverigesRadio-qeybta afka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments