Qaramada Midoobay oo mar kale Norway dhaleeceyn u jeedisay.

0
125

Qaramada Midoobay ayaa dowlada Norway ku eedeysay qaabka loola dhaqmo dadka naafada ah, waxaana Norway loo jeediyay inay wax ka badasho hab dhaqanka loola dhaqmo dadka naafada ah ee bulshada kamidka ah.

Warbixinta Norway dhaleeceynta loogu jeediyay ayaa lagu sheegay in qaabka ka duwan bulshada kale loola dhaqmo dadka naafada ah, qaarkoodna lagu qasbo waxyaabo aysan raali ku aheyn.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in mararka qaarkood dadka naafada ah ee Norway kunool lagu qasbo qaadashada daawooyinka, mararka qaarkoodna loo adeegsado danabka korontada.

Dowlada Norway: Waxbaan ka qaban doonaa:

Dowlada Norway oo ka jawaabeyso dhaleeceynta Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in dhaleeceynta Qaramada midoobay ay ku sameyn doonto dabagal, ayna wax ka badali doonto hab dhaqankaas.

Norway ayaa sheegtay in sanadkan ay diyaariyeen qorshe arintaas wax logo qabanayo. Waxeyna dowladu sheegtay in Norway ay raaci doonto xeerarka caaalamiga ah ee loo sameeyay dadka naafada ah.

Xigasho/kilde: NTB-Klartale.no


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments