Banaanbaxyo lagu Taageerayo Ilhaan Cumar oo Mareykanka ka dhacay.

0
220
Foto: Ilhaam Cumar/Facebook

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaa lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayay Ilhaan Cumar, loogana soo horjeeday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dibadbaxan ayaa ka dhashay markii Donald Trump uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay qoraal ay daabaceen koox xagjir ah oo Ilhaan Cumar ku eedeeyay in ay xiriir la leedahay kuwii weeraray Mareykanka sanadkii 2001dii.

Ilhaan ayaa sidoo kale wajaheysa hanjabaad dil ah oo ay u geysanayaan Kooxaha caddaannimada la weyn tahay ee ka gows heysta Donald Trump.

Booliska Federaalka Mareykanka ayaa Magaalada Washington todobaadkii hore ku xiray Nin Ilhaan ka wacay Taleefan una sheegay in uu dilayo isaga oo intaas raaciyay in uu taageersan yahay Donald Trump.

Banaanbaxa lagu diiddanaa Trump iyo hanjabaadda ka dhanka ah Ilhaan ayaa waxaa hoggaaminayay Jeylani Xuseen oo ah Madaxa Hay’adda CAIRE ee Muslimiinta Mareykanka, waxaana uu sheegay in dadka gobolka ay u mideysan yihiin taageerada Ilhaan Cumar.

Xigasho/kilde: Universal.net

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments