hooyo soomaali oo UDI-da kaga guuleystay maxkamad, loona ogolaaday inay Norway sii joogto.

0
97
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Yaasmiin Kristensen oo ah hooyo soomaali ah oo degan deegaanka Lyngdal ayaa ugu danbeyn hey´adda soo galootiga ee UNE, kaga guuleysatay kiiska dacwada racfaanka. Waxeyna maxkamada go´aamisay in Yaasmiin ay sii joogto Norway, lana noolaato caruurteeda afarta ah oo ay dowladu rabtay inay kala wado.

Kiiska Yaasmiin ayaa socday shan sano iyo bar, waxeyna UDI-du Yaasmiin ku eedeysay inaysan run ka sheegin aqoonsigeeda saxda ah. Yaasmiin oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Jabuuti ayaa xiliga ay Norway magangalyada ka codsaneysay sheegatay inay kasoo jeedo Soomaaliya, waxaana markii danbe soo baxay aqoonsigeeda rasmiga ah.

UDI-da ayaa Yaasmiin ka ceshatay Dhalashada Norway, waxeyna ku amartay inay Norway isaga baxdo, iyada oo lagu array ineysa Norway soo gali karin mudo labo sano ah.

Yaasmiin iyo hey´adda ayaa maxkamada Oslo isla tagay, waxeyna qareenada hooyadan soomaalida ah xooga saareen xuquuqda afarta caruurta ah ee dowladu ay rabto in hooyadood laga dheereeyo. Iyaga oo ku dacwooday in il gaar ah lagu fiiriyo xuquuqda ilmaha iyo waxa u fiican iyaga.

Maxkamada racfaanka oo Yaasmiin kiiska u xukuntay:

Sida uu qoray wargeyska Lyngdalavis ee lokalka ah, Maxkamada racfaanka ayaa kiiska u xukuntay Yaasmiin, iyada oo sheegtay in go´aanka UDI-da ee musaafurinta Yaasmiin iyo mamnuucisteeda soo galootiga Norway uu yahay mid aan u fiicneyn ilmaha ay dhashay ee afarta ah.

Maxkamad ayaa sidoo kale dowlada ku xukuntay inay bixiso qarashaadka ku baxay inta uu socday dhageysiga kiiska dacwadan.

Qoyska Yaasmiin oo wargeyska la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin go´aanka maxkamada, ayna ugu danbeyn ku faraxsanyihiin inuu ka dhamaaday kiiskan soo socday mudada shanta sano iyo barka ah.

Xigasho/kilde: lister24.no



Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments