UDI-da oo mar kale soomaalida kulan warbixineed ah u qabaneyso

0
83

Hey´adda socdaalka iyo jinsidaha Norway ee UDI-da ayaa fariimo ay u dirtay dad badan oo soomaali ah ku sheegtay inay kulan warbixeed la qaadan doonto jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway. (Hoos ka eeg sawirka ogeysiiska ay dadka la wadaageen.)

Shirkan ayaa dhici doono 24-ka bishan April oo ku aadan maalin arbaco ah, wuxuuna ka dhici doonaa xarunta hey´adda bisha cas ee Oslo(Rødekurs). Waxaana sida lagu xusay fariinta ogeysiiska shirkan lagu sheegay in looga hadli doono qodobada ay su´aalaha ugu badan kala kulmaan shaqaalaha ka shaqeeyo kiisaska la xiriira soomaalida.

UDI-da ayaa horey labo jeer u qaban-qaabisay kulamo noocan oo kale ah.

Hey´addan ayaa sanadkii tagay soo rogtay qodobada badan oo si toos ah u taabanaya kumanaan kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Waxey bilaabeen inay dadka ka codsadaan inay keensadaan baasaboorka soomaaliga ah, marka ay codsanayaan Dhalashada Norway. Sidoo kale waxey dadka heysta ogolaanshaha bini-aadantinimada ka codsadeen inay keensadaan baasaboorka soomaaliga ah.

Waa kan sawir aan ka qaadnay fariinta ay UDI-da u dirtay dadka Soomaaliya ah, iyaga oo ku wargalisay inay kasoo qeybgalaan shirkaas, si ay u dhageystaan warbixinada ku saabsan isbadala sharciyada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments