Sweden: Xawaalado soomaali ah oo laga xiray koontooyin ay ku lahaayeen Bangiyo.

0
134

Sida ay qortay idaacada Sveries-radio, Maalmihii ugu dambeeyay ayaa dhowr qof oo tijaabiyay in ay Iswiidhan ka saaraan lacag cadaan ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha Arlanda.

Xeer ilaaliye katirsan xeer ilaalinta Sweden, laguna magacaab Ashraf Ahmed ayaa sheegay inuu filayo in arintan ay xidhiidh la leedahay in bangiga Swedbank xidhay koontooyin uga furnaa dhowr xawaaladood oo soomaali ah, kuwaas oo lacago u xawila Soomaaliya.

Habane Hassan guddoomiyaha ururka isbaheeysiga ummada somaaliyeed ee Iswiidhan ayaa sheegay in labaataneeyo shirkado noocan oo kale sidaas looga xidhay koontooyinkoodii.

-Waxeey saameeysay soomaalida Iswiidhan ku nool ee doonaya in ay qaraabadooda u diraan biil, ayuu yidhi.

Bangiyo xiray koontooyin:

Bilihii ugu dambeeyay ayuu bangiga Swedbank xidhay koontooyin ay leeyihiin dhowr xawaaladood oo Soomaaliya lacag u dira. Sababta waxaa lagu sheegay inaan la damaanad qaadi karin in lacagaha laga diro Sweden aysan galin gacanta ururada argagaxisda ah. Waxaa sidaas lagu sheegay warqado loo diray shirkadaha xawaaladaha ee laga xiray koontooyinkan.

Per Nordkvist oo ka hawlgala hayadda kormeerka maaliyadda ayaa sheegay xitaa hadii ay shirkadahani ogolaansho ka haystaan bangi, ay mar walba leeyihiin xeerar u gaar ah.

Lix kamid ah koontooyinka xawaaladaha laga xiray Sweden ayaa waxa ay uga furnaayeen bangiga Swedbank, halka labada kalena ay ka furnaayeen bangiga Nordea .

Sharci hirgalay sannadkii 2017-kii ayaa bangiyada ku khasbayay in ay ogaadaan halka ey lacagaha xawaaladuhu tageyaan iyo cida loo dirayo. Si looga hor tago maalgelinta ururada argagaxisada.

Ibrahim Omar ayaa madax ka ah xawaalad dhowaan la xidhay ayaa sheegay inay wanaagsantahay in laga hortago maalgalinta ururada argagisada ah, laakiin aysan aheyn 

Wixii arintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: SverigesRadio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments