FBI-da Mareykanka oo baaraya fariimo hanjabaad dil ah ah oo loo diray Xildh. Ilhaan Cumar.

0
99
Foto: Ilhaam Cumar/Facebook

Hay’adda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay  inay ku raad-joogaan qoraal Hanjabaad iyo Nacayb ka muuqdo oo loogu hanjabayo in Ilhaan Cumar la dili doono.

FBI-da waxay sheegeen in Qoraalka Hanjabaadda lagu qoray derbiga Suulli ku yaalla Kaalin Shidaal,  isla markaana ay baaritaan ku hayaan Nin lagu tuhunsan yahay inuu qoray Farriintaasi.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Barayn Raynis ayaa la sheegay inuu bishii hore ee Feberaayo 22-dii joogsaday Kaalinka Shidaalka ee derbigaasi qoraalka loogu hanjabayo Ilhaan Cumar lagu qoray.

Barayn Raynis waxa uu sheegay inuusan marnaba la kulmi Ilhaan Cumar oo ah Haweeneydii ugu horreysay ee Somali-Maraykan ah ee loo doorto Kongareeska dalkaasi.

Eedeysanaha oo lagu tuhunsan yahay Farriintaasi lala beegsaday Ilhaan Cumar ayaa qoray farriinta, maadaama ay iyadu tahay Muslimad, Madow oo Qaxootinimo ku gashay Maraykanka.

Waxada Hay’adda FBI-da ee magaalladda Minneapolis waxay sheegeen inay ku baraaugsan yihiin Qoraalka la soo dhigay Barta Bulshadda ay ku xiriiraan ee INSTAGRAM.

Bilowgii  Isbuucan, Ilhaan Cumar waxaa lala beegsaday Muslim-nacayb kale, iyadoo la soo bandhigay Sawir si been abuur ah loogu sheegay inay ku lug lahayd Qaraxyadii bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii ka dhacay dalka Maraykanka.

Si kastaba ha haatee, Dhacdooyinka ka dhanka ah Ilhaan Cumar ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo uu Madaxweynaha Maraykanka shalay jeediyey Khudbad uu ku sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Muhhaajiriinta  ee ka tirsan Kongareeska neceb yihiin dalka Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inaan magacaabi karno mid ka mid ah Xildhibaanadaasi, wuxuuna ku celceliyey inay iyagu neceb yihiin dalka Maraykanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments