Jonas Gahr oo weeraray Siv Jensen: Dumarka soomaalidu waa muwaadiniin nala mid ah.

0
181

Wasiirada maaliyada dalkan Norway ayaa shaley sheegtay in kobaca tirada soo galootiga ay tahay sababta ka danbeysa kobaca tirada caruurta kunool saboolnimada. Iyada oo tusaale usoo qaadatay in 10% dumarka soomaalida ah oo qura ay ka shaqeeyaan shaqo toos ah.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ap, Jonas Gahr Større ayaa sheegay in wasiirada maaliyadu ay si public ah u ceebeyneyso qowmiyadu gaar ah, wuxuuna raaciyay in wasiiradu ay iska indho tireyso dhibaatooyinka la xiriira kala sareynta qeybaha bulshada.

Jonas Gahr ayaa sheegay in tusaale usoo qaadashada haweenka soomaalida ah iyo Siiriyiinku aysan aheyn mid haboon. Gudoomiyaha Ap ayaa sheegay:

Dumarka soomaalida ah ee Norway kunool waa muwaadiniin naga mid ah anaga oo dhan. Waxaan ula dhaqmi lahaa anigu qaab xurmad leh. Dhibaatooyinkoodana waa inaan xil iska saarnaa, oo aan si public ah ceebeyn.

Gudoomiyaha Ap ayaa sii raaciyay in kobaha kala sareynta bulshadu ay tahay mida keeneyso korarka tirada caruurta saboolnimada kunool. Sidaas darteedna ay tahay in dadka lacagta leh ay bixiyaan canshuur ah dheeri, laakiin dowlada ay Siv Jensen hogaamiso ay u sameysay canshuur dhaaf.

Xigasho/kilde: Vg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments