Siv Jensen: Korarka ajaaniibta ayaa sabab u ah saboolnimada caruurta.

0
165
Gudoomiyaha FRP: Siv Jensen

Wasiirada maaliyada dalkan Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa sheegtay in kororka tirada soo galootiga Norway ay sabab u tahay korarka tirada caruurta kunool noloshada saboolnimada ah.

Siv Jensen ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee keenta saboolnimada ay tahay caruur badan oo ku korayo guryo waalid aan iskaafin karin(shaqeysan karin). Ayna u badanyihiin caruurta ay dhaleen waalidka soo galootiga ah.

Jensen ayaa sii raacisay in 85% korarka tirada caruurta ah ee saboolnimada kunool ay yihiin ay yihiin caruur soo galootiga ah. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Siv Jensen ayaa tusaale ahaan usoo qaadatay dumarka soomaalida ah oo ay sheegtay inay ka shaqeeyaan 10%. Iyada oo soo xiganeyso tirokoob ay sameysay SSB ayay sheegtay in taas ay tusaale u tahay sida loogu guul dareystay isdhaxgalinta soo galootiga ee bulshada inteeda kale.

Mucaaradka: Sawir qaldan ayay bixineysaa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa wasiirasda maaliyada ku eedeeyay in sawir aan sax aheyn ka bixineyso kobaca tirada caruurta ku koreyso saboolnimada. Isaga oo raaciyay in sabab ugu weyn ee ka danbeysa kororka tirada caruurta kunool saboolnimada ay tahay, inuu sii kordhay farqiga u dhaxeeyo qeybaha bulshada.

Isaga oo raaciyay in taas ay tahay mid toos uga dhalatay siyaasada xisbiyada midigta ee wadanka xukumayay shantii sano ee ugu danbeysay.

SSB: Siv Jensen warka ay sheegtay sax ma ahan

Rolf Aaberge oo ah cilmibaare katirsan wakaalada SSB ayaa sheegay in qaabka ay Siv Jensen u adeegsatay tirada lasoo bandhigay aysan aheyn mid sax ah. Isaga oo sheegay inuu kordhay farqiga u dhaxeeyo dadka hantida heysta iyo kuwa saboolka ah ee guud ahaan Norway.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments