Erna Solberg oo wasiirkii 7-aad ee cadaalada oo Frp ah soo magacowday

0
84
Foto: Nrk/skjermdump

Reysulwasaaraha dalkan Norway ayaa jimcihii kulanka isbuuclaha ee wasiirada kadib soo bandhigtay wasiirkeeda cusub ee wasaarada cadaalada.

Waxeyna markan jagadaas ku aamintay Jøran André Smedal Kallmyr oo katirsan isla xisbigii ay ka tirsanaayeen lixdii Wasiir ee isaga wasaaradaas kaga horeysay.

Jøran oo 40 sano jir ah ayaa katirsan xisbiga Frp, wuxuuna horey wasaarada cadaalada uga ahaa wasiiru dowle. Isaga sidoo kalena horey uga tirsanaa golaha maamulka magaalada Oslo.

Magacaabista wasiirkan cusub ayaa timid karib markii isbuucii hore ee is casilay wasiirkii cadaalada Norway, Tor Mikkel Wara, kadib markii ay kusoo baxday fadeexad la xiriirta haweeneyda la degneyd oo xabsiga ay dhigeen hey´adda sirdoonka Norway.

Jøran André SmedalKallmyr ayaa noqon doono wasiirkii 7-aad ee Erna Solberg ay usoo magacowdo wasaarada cadaalada, waxaana xilkaas uga horeeyay todobo wasiir oo dhamaantood iska casilay ama ay kusoo baxday fadeexooyin sababay inay xilka isaga dagaan.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments