Netanyahu oo weeraray Xildh. Ilhaan Cumar, iyo Ilhaan uu jawaab adag siisay.

0
88

Reysulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa qudbad uu jeedinayay weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar, wuxuuna ku biirayaa liiska madaxda weerarada afka ah ku qaaday Ilhaan.

Donald Trump iyo ku xigeenkiisa Mike P ayaa horey sidoo kale eedeymo usoo jeediyay gabadhan soomaalida ah ee dhawaan ku biirtay aqalka wakiilada Mareykanka.

Ilhaan ayaa horey su´aal uga keentay sababta ay dowlada Mareykanka sanad walba boqolaal Bilyan oo dollar u siiso Israel, Iyada oo ay muuqato xad gudubyada dhanka bini´aadantinimada oo ay ka geysanayaan dhulka Falastiin.

Netanyahu ayaa sheegay in sababta ay Mareykanku u taageeraan Israel, ay tahay inay wadaagaan dhaqan iyo dhaqaale, ayna dadka Mareykanka jaceyl walaalnimo u qabaan dhigooda Israel.

Ilhaan ayaa qoraal ay kudoo qortay bogeeda Twitterka ku sheegtay in Netanyahy uu mashquul ka dhigtay iyada, inta uu ka hadli lahaa arimaha waaweyn ee ka dhacaya dalkiisa.

Ilhaan ayaa sheegtay in weerarada ay geystaan kooxaha xagjirka midigta fog ah ay bateen sanadihii ugu danbeeyay, iyada oo qaar badan oo weeraradaas kamid ah ay ku wajahanyihiin dadka asal ahaan Yuhuuda ah.

Balse uu Netanyahu uu mowduuc ka dhigtay iyada shaqsi ahaan, intii uu ka hadli lahaa arimahaas.

Netanyahu ayaa dhawaan wajihi doono doorashada madaxtinimo ee Israel.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments