Dowlada oo rabta in la yareeyo adeegsiga kaamirooyinka cabira xawaaraha baabuurka

0
98

Wasaarada gaadiidka iyo wadooyinka Norway ayaa sheegtay in dowladu ay rabto in la yareeyo adeegsiga kaamirooyinka ku xiran hareeraha wadooyinka qaarkood, kuwaas oo cabira xawaaraha baabuurta wadada mareysa.

Wasiirka gaadiidka Norway Jon Georg Dale ayaa sheegay in dowladu aysan rabin in gabi ahaanba la joojiyo adeegsiga kaamirooyinkaas, balse ay rabto in la yareeyo adeegsigooda, Laguna xiro meelaha looga maarmi waayo oo kali ah ama meelaha ay ka dhacaan shilalka khatarta ah.

Ururka ka shaqeeyo ilaalinta nabadgalyada wadooyinka ayaa muujiyay inay kasoo horjeedaan qorshaha dowlada ee ku aadan yareynta adeegsiga kaamirooyinka ku xiran hareeraha wadooyinka. Iyaga oo sheegay in kaamirooyinkaas ay qeyb ka yihiin sugida amaanka wadooyinka iyo wado marista.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments