2018: Dadka kasoo jeedo wadanka Yurub ah oo ugu badan dadka Norway ka codsaday magalyada.

0
165

Sida laga soo xigtay tirokoob ay sameysay hey´adda agaasinka soo galootiga Norway, Sanadkii lasoo dhaafay waxaa Norway magangalyo soo weydiistay 2654 qof. Waana tiradii ugu yareyd ee Norway magangalyo weydiisata tan iyo sanadkii 1998.

Dadka ugu badan ee sanadkii hore magangalyada ka codsaday ayaa kasoo jeedo dalka Turkiga, waxaana Norway iska soo dhiibay 765 qof oo Turki ah. Dadkan ayaa intooda badan ah kuwa ka tirsanaa xarakada diiniga ah ee uu hogaamiyo wadaadka Fethullah Gülen, oo dowlada Turkigu ay ku eedeysan inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay inqilaabkii la rabay in lagu rido madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Urdugan, sanadkii 2016.

Turkida Norway magangalyada soo weydiisatay ayaa isugu jiro siyaasiyiin, macalimiin jaamaceed, shaqaale dowladeed, saraakiil ciidan iyo qoysaska dad xiriir la leh xarakada wadaadka Fethullah. Kuwaas oo sheegay inay usoo carareen nafsadooda, maadaama ay muteysan karaan xukuno xabsi oo dhaadheer ama xitaa dil toogasho ah.

Dowlada Turkiga ayaa xabsiga dhigtay boqolaal kun oo katirsan dadka xiriirka la lahaa xarakada wadaadka Fethullah Gulen, kuwaas oo Turkiga ka diiwaan gashan urur argagaxiso. Waxaana dowladu ay xilalka ka qaaday, shaqadana ka ceyrisay kumanaan kun oo katirsan dad lagu tuhmayo inay si uun qeyb uga ahaayeen inqilaabkii dhicisoobay ee lagu ridi lahaa madaxweyne Urdugan.

Dadka kasoo jeedo dalalka Ereteriya iyo Afgaanistaan ayaa kujiro booska labaad iyo kan sadexaad ee dadka ugu badan ee sanadkii tagay magangalyada ka codsaday Norway.

Xigasho/kilde: halkan kasii akhri tirada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments