Oslo: 18-jirkii lagu qabtay Bombadii laga helay Grønland oo wadanka laga tarxiilayo

0
179
Oslo-Grønland

18-jirkii u dhashay dalka Ruushka ee lagu qabtay bacmo-gacmeedkii laga helay xaafada Grønland ee magaalada Oslo, ayaa dowlada Norway ay go´aamisay in laga tarxiilo Norway, sababo la xiriira danta amniga guud ee wadanka.

Go´aanka kasoo baxay hey´adda sirdoonka Norway ee PST-da ayaa lagu sheegay in 18-jirkaas uu mustaqbalka khatar amni ku noqon karo Norway, ayna dhici karto inuu geysto falal kale ee argagaxisnimo la xiriira.

Bombada lagu qabtay wiilkan ayaa aheyd nooca guryaha lagu sameeyo, iyada oo sidoo kale ay PST-du sheegtay in dhowr mar lagu arkay isaga oo la socdo kooxo aaminsan fikrado xagjir ah. Uuna niyad ahaan taageero u hayay ururada xagjirada ah.

18-jirkan ayaa hada kujiro xerada Trandum, halkaas oo uu kusii jiri doono, inta kiiskiisa ay go´aan rasmi ah ka gaareyso maxkamad.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments