Denmark: 1000 qof soomaali ah oo laga ceshtay magangalyada qoxootiga

0
87
Foto: Skjermdump/DR.DK

Sida lagu sheegay tirokoob kasoo baxay laanta agaasinka qoxootiga dalka Denmark, ilaa 1000 qof oo soomaali ah ayay hey´addaas dib uga ceshatay magangalyada qoxootiga, kadib dib u qiimeyn ay ku sameysay baahidooda magangalyo.

Sababta ugu weyn ee kunkaas qof ee soomaalida ah ay ku lumiyeen magangalyadooda qoxootiga ayay hey´adaas ku sheegtay in Soomaaliya ay tahay hada dal nabad ah oo dib loogu noqon karo, aysana u baahneyn magangalyo.

Wasiirada soo galootiga: Soomaalida Dalkoodii haku noqdeen

Inger Støjberg oo ah wasiirada soo galootiga Denmark oo wareysi siisay warbaahinta DR.DK ayaa sheegtay in hadii qofku uusan u baahneyn magangalyo, ay tahay inuu dalkiisii ku noqdo.

Waxeyna raacisay in dadkaas soomaalida ah ay ku noqon doonaan wadankoodii Soomaaliya, maadaama aysan heysan baahi magangalyo oo keeneysa inay Denmark sii joogaan. Sidoo kalena ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalkooda, waa sida ay hadalka u dhigtee.

Ururada qoxootiga: Soomaaliya waa meel halis ah, amni ahaan.

Christian Friis Bach oo ah xogyahay guud ee ururka Dansk Flygtningehjælp(ururka qoxootiga Denmarj) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay tahay meel khatar ah amni ahaan, aysana aheyn in xiligan qoxooti lagu celiyo.

Taageero dhaqaale:

Denmark ayaa horey dhaqaale tiro badan u balanqaaday dadka raba inay dalkoodii hooyo ku noqdaan, sidoo kale taageero dhaqaale lagu siinayo waalidiinta heysta ilmaha. Sida uu qoray wargeyska DR, Denmark ayaa qofka weyn ee raba inuu dalkiisa ku noqdo siiso 140.000 oo lacagta dalkaas ah, iyada oo calaa ilmana qofka la siinayo 40.000.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2017, ilaa 42 qof soomaali ah ayaa dalkoodii dib ugu noqday sida ay xustay hey´adda qoxootiga dalkaas. Sidoo kale 11-kii bilood ee ugu horeeyay sanadkan waxaa dalkoodii dib ugu noqday ilaa 32 qof oo soomaali ah.

Xigasho*/kilde: DR.DK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments