Norway: Haweenay soomaali ah oo maanta maxkamad lasoo taagay

0
168
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Haweenay 31 sano jir soomaali ah, kuna eedeysan isku deyga kamid noqoshada ururka Daacish ayaa maanta lasoo taagay maxkamada Oslo. Haweeneydan oo hada mudo sanad ah ku xirneyd xabsiga ayaa waxaa horey garoonka diyaaradaha Oslo uga qabtay hey´adda sirdoonka Norway ee PST, kadib markii ay xog ka heleen sirdoonka wadanka UK.

Haweeneydan soomaalida ah oo ah hooyadana shan caruur ah, ayaa sida ay sheegeen xeer ilaalinta hey´adda PST-du,waxey xubin ka aheyd ururka Daacish, tan iyo bartamihii sanadkii 2016. Iyada oo wadan jirtay magaca «Umm Sayfullah». Waxeyna sidoo kale ku eedeysantahay inay kaalmo dhaqaale u dirtay ururka Daacish.

Nin ay haweeneydan xiriir lahaayeen, laguna magacaabi jiray Aweys Shikhey ayaa sidoo kale sanadkan bilowgiisii fal la xiriira argagaxiso loogu xiray wadanka UK, halkaas oo maxkamad ay ku xukuntay 8 sano oo xabsi ah.

Haweeneydan soomaalida ah ayaa sida ay warbaahinta Norway qoreyso, noqoneyso qofkii ugu horeeyay ee dumar ah ee Norway maxkamad loo soo taago fal la xiriira danbi argagaxisnimo.

Xigasho/kilde: TV2.NO

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments