Sweden: Doorashada baarlamaanka dalka Sweden oo qarka u saaran in mar labaad lagu celiyo

0
131
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Baarlamaanka dalka Sweden ayaa mar kale codka kalsoonida siin waayay  Stefan Löfven oo ahaa reysulwasaarihii hore ee dalkaas Sweden. Stefan ayaa taageero u raadinayay inuu mar kale dalkaas hogaamiyo.

Waxeyna noqoneysaa markii labaad oo lagu guuldareystay taageero u helida xukuumad dalka Sweden loo soo dhisay, tan iyo markii ay dhacday doorashadii baarlamaanka oo hada sadex bilood laga joogo.

Sharciga Sweden ayaa dhigayo in afar mar baarlamaanka dalkaas la horkeyn karo xukuumad cusub, kahor inta aan la iclaamin ku celinta doorashada baarlamaanka. Waxaana horey loogu fashilmay labo mar, iyada oo ay hartay labo mar oo kale. Mana jiro wax isbadal ama isku soo dhawaansho ah oo xisbiyada dalkaas ku yimid, waxeyna u muuqataa in doorashada baarlamaanka Sweden mar kale lagu celin doono.

Gudoomiyaha baarlamaanka Sweden ayaa hada looga fadhiyaa talaabada xigta ee xal loogu raadinayo helista xukuumad maamusho dalka Sweden.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments