Norway: Baarlamaanka oo ugu danbeyn ansixiyay in dadka Norwiijiga ah ay qaadan karaan dhalashada dal kale

0
175

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa maanta oo khamiis ah isku raacay in isbadal lagu sameeyo dastuurka Norway, qodobkiisa ka hadlayo jinsiyada, si qofka Norwiijiga ah loogu ogolaado inuu qaadan karo dhalashada dal kale. Ama qofku uu isku heysan dhalashada Norway ama jinsiyada wadan kale.

Hindise sharciyeedkan cusub oo mudo ay soo jiitameysay ansixintiisa ayaa ugu danbeyn maanta meelmaray, inkasta oo ay kasoo horjeesteen xisbiyada Ap iyo Sp.

Ove Trellevik oo katirsan xisbiga Høyre ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, maadaama isbadal lagu sameeyay sharci la meelmariyay sanadkii 1888 oo 200 sano laga joogo. Ayna muhiim tahay in xeerarka jinsiyadu ay la jaanqaadaan waqtiga, maadaama ay jiraan dad norwiiji ah oo wadamo kale degay, balse wali xiriir la leh Norway. Isbadalkan lagu sameeyay sharcigana uu ogolaanayo inay heystaan dhalashadooda Norway, hadii ay qaataan jinsiyada wadanka ay u guureen.

Xisbiyada Ap iyo Sp ayaa dhankooda kasoo horjeestay isbadalkan, waxeyna sheegeen inuu caawinayo oo kali ah bulshada inteeda xooga leh, sida ganacstada Norwiijiga ah ee wadamada kale kunool ama caruuraha ay dhalaan dadka ka shaqeeyo safaaradaha. Dhankale kalena uu caqabad ku noqon karo bulshada inteeda nugul, sida caruurta sida qasabka ah loogu celiyo wadamada ay waalidkood kasoo jeedaan. Iyaga oo sheegay inay adkaan doonto inay Norway caruurtaas wax u qabato, hadii ay heystaan dhalashada dalka lagu celiyay.

Qofka gala danbi oo sharcigan uu qaban karo: 

Isbadalka sharcigan cusub ee dhalahsada Norway ayaa dowlada u fududeynayo inay dadka gala danbiyada waaweyn ka qaado dhalashada Norway, hadii ay heystaan dhalashada wadan kale. Dowlada ayaa horey arintaas usoo jeedisay balse waxaa ka hortaagnaa in qofka aan laga dhigi karin dowlad laawe, maadaama uu heysto dhalashada Norway oo kali, horeyna uu u badashay ama isaga dhigay jinsiyada dalkiisii hore.

 

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments