Dowlada Denmark: Soo galootiga aan wadankoodii lagu celin karin, waxaan ku xareyn doonaa Jaziirad lama degaan ah

0
139
Reysulwasaaraha Denmark: Lars Løkke Rasmussen

Dowlada Denmark ayaa sheegtay in soo galootiga lagu amray in wadankaas isaga baxaan, balse siyaabo kala duwan dartood aan lagu celin karin dalkoodii, ay ku xareyn doono Jaziirad lama degaan ah oo kutaal bada dhexdeeda.

Xukuumada hada ka taliso Denmark oo taageero ka heleyso xisbiga xagjirka midigta fog ee DF ayaa go´aankan gaartay jimcihii, wuxuuna qeyb ka ahaa wada-xaajoodyada miisaaniyada sanadka 2019.

Peter Skaarup oo katirsan xisbiga DF oo u ahaa xisbiga soo jeedintan keenay, dowladuna ay ku taageertay ayaa sheegay in noocyo kala duwan oo soo galooti ah lagu xareyn doono jaziiradaas lama degaan ah. Wuxuuna sheegay in qorshuhu uu yahay in halkaas lagu xareeyo:

  • Soo galootiga heysta diidmada codsiga sharciga magangalyada.

  • Soo galootiga danbiyada ay galeen dartood lagu amray inay dalkaas isaga baxaan

  • Iyo dadka kasoo dagaalamay wadamada dibada ama qoxootiga lagu xukumay inay jabiyeen xeerka adeegsiga hubka ee dalka Denmark.

Wasiirka maaliyada: Xabsi ma ahan:

Sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka maaliyada Denmark oo katirsan xisbiga Venstre, jaziiradan ayaa ahaan doonin xabsi oo kale, qofkana aan halkaas lagu heyn doonin 24-ka saac ee maalinka iyo habeenka. Isaga oo raaciyay in dadka halkaas lagu heyn doono habeenkii oo kaloi ah.

Wasiirka maaliyada Denbmark ayaa sidoo kale sheegay in halkaas lagu xareyn doono dadka laba-goorabada la geyn lahaa xarumaha lagu hayo dadka la rabo in Denmark laga tarxiilo, balse sababo jiro owgeed aan la tarxiili karin.

Jaziiradan ayaa hada loo adeegsadaa tijaabada daawooyinka viruska ku dhaca xoolaha. Waxaana horey loogu adeegsan jiray tijaabada nooc kamid ah viruska ku dhaca doofaarka.

FRP: Waa fikir fiican, waana soo dhaweyn.

Xisbiga Frp ee dalkan Norway ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan soo jeedintan, ayna u arkaan arin wanaagsan.

Xigasho/kilde: VG

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments