Tahriibayaal doon ay xadeen ka qaatay France oo gaaray xeebaha U.K

0
167

12 qof oo soo tahbriibayaal ah ayaa doon ay ka soo xadeen dalka Faransiiska waxay ku soo gaareen xeebaha Ingariiska, sida ay xaqiijeen saraakiil ka tirsan ilaalada xeebaha dalka Faransiiska.

Ciidamada Ilaalada xeebaha Faransiiska ayaa sheegay in war ku aadan arintaan ay ka heleen dhigooda U.K, kadib markii doontan lagu arkay xeebaha Uk.

Muhaajiriintan ayaa socdaalkooda ka soo bilaabay xeebta bizarre abaara 9:30 habeenkii isniinta, iyaga oo saqdii dhexe soo gaaray UK, sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidamada bada ee waqooyiga Faransiiska Mr Ingrid Parrot.

Saraakiishan ayaa la xiriiray milkiilaha iska lahaa doontan uu cabirkeedu yahay 12 Mitir isaga oo sheegay in uusan ka warqabin arintaan loogana xaday dekada Boulogne-sur-Mer.

Ciidamada bada Faransiiska ayaa ka hortagay labadii sano ee la soo dhaafay 35 isku day oo kooxo tahriibayaal ay doonayeen in ay ku gaaraan xeebaha Uk.

Xigasho/kilde: UNIVERSALTV-SOMALI/ Telegraf.uk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments