Booliska Mareykanka oo xabsiga dhigay Darawal Soomaaliyeed oo isku dayay in uu fara xumeeyo gabar 15 Jir ah

0
140

Nin soomaali ah darawal ah oo u shaqeeya shirkada Uber ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamada booliska mareykanka, kadib markii lagu eedayay in uu afduub u geestay gabar 15 jir ah, kadibna uu si qasab ah ku dhunkaday.

Gabadha loo geestay falkaan ayaa waxay ka raacday Taxi-ga uu waday darawalkaan goob ay ka shaqeyso oo ku taal waqooyiga Rubey ee ka tirsan degmada Golden,si ay u gaarto gurigeeda oo 10 mile meel masaafo ahaan u jirta.

Booliska ayaa sheegay in gabadhaan ay raacday kursiga hore maadama kuraasta danbe ay rakaaab saarnaayeen.

Gabadhan ayaa ka codsatay Axmed muusa in uu gurigeeda geeyo maadama ay ka dhowdahay rakaabka kale ee gadaal u saaran balse waxaa uu u sheegay in muhiimada uu siinayo dadka kale ayna tahay sida sharciga ah oo ay ku shaqeeyaan.

Darawalkaan ayaa markii uu keenay meel u dhow gabadha gurigeeda waxaa uu istaajiyay gaaariga waxaana uu diiday in uu kaa furo albaabka inta ilaa inta uu ka dhinkanayo.

Booliska gobolka Colorado ayaa sheegay in Mr Musa uu wajahayo danbigii labaad oo ku aadan cabsi galin iyo afduub.

Xigasho/kilde: Thedenverchannel.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments