Sweden: Hooyo loo diiday in loo diiwaan-galiyo magac ay wiil ay dhashay

0
256

Emelie Gustafsson oo ah hooyo u dhalatay dalka Sweden, kuna nool magaalada Vålberg ayaa loo diiday in loo diiwaan galiyo magac ay bixisay wiil dhawaan dhashay.

Hooyadan ayaa wiilkeeda u bixisay magaca «Skrot» oo af Swedish ahaan micnihiisu uu noqonao «Qashinka Qubka Biraha». Hey´adda diiwaangalinta dadka iyo Canshuraha Dalka Sweden ee Skettverket ayaana ah hey´adda go´aanka diidmada diiwaan-galinta magacan siisay hooyadan.

Sharci cusub oo dhawaan ka dhaqan galay dalka Norway ayaa Wakaalada Canshuuraha iyo diiwaangalinta waxa uu siinayaa awood ay kaga soo horjeedsan karto in waalidka ay u badkooda u bixiyaan magacyada aan ku habooneen.

Magacyada ay wakaalada diiwaangalinta canshuuruha Sweden ay diiday ayaa waxaa kamid Trollet (sixir), Anarkia (dawlad la’aan), Pung (kiish yar ee lacageed ama qooro), Prinsessan (amiirad), Jord (dhul ama ciid), Mysco (wax aan sharraxaad loo hayn), Farmor (ayeeyo) iwm.

Hooyada dhashay wiilkan ayaa wakaalada wararka Sweden ee TT u sheegtay in ay abiil ama racfaan ka qaadan doonto magaca wiilkeeda ee dowladu ay u diiday inay u diiwaangaliso.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments