Nairobi: Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirka horumarinta iyo deeqaha Norway

0
123
Madaxweyne Farmaajo iyo wasiir N. Astrup Foto: NorwayinSomalia

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula yeeshay wasiirka horumarinta iyo deeqaha dalkan Norway, Nikolai Astrup.  Madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Astrup ayaa Nairobi u wada joogay isbuucan shirweynaha dhaqaalaha badaha ee sanadka 2018.

Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta Twitterka safaarada Norway ee Kenya, Waxaa Norway iyo Soomaaliya ka dhaxeeya wada-shaqeyn ku dhisan danaha dhaqaale is wadi kara oo dhan bada ah.

Wasiirka horumarinta Norway ayaa sidoo kale isbuucyo kahor magaalada Bali ee dalka Indonosia kula kulmay wasiirka maaliyada Soomaaliya, Dr. Cabdirahmaan Ducaale Beyle. Waxeyna Norway shirkaas ku balanqaaday inay Soomaaliya siineyso 450 milyna NOK oo ka baxsan lacagta deeqaha ah ee sanadkii ay Norway ugu deeqdo Soomaaliya.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments