Gudoomiyaha Rødt: Dowladu Mahad Abiib sharcigiisa dhalashada ha usoo celiso

0
85
Gudoomiyaha Rødt: Bjørnar Moxnes..

Maxmakamada racfaanka magaalada Oslo ayaa isbuucyo kahor diiday inay aqbasho racfaanka uu Mahad Abiib ka qaatay go´aanka maxkamada Hoose ee Oslo, uuna ku codsanayay in dib loogu soo celiyo dhalashadiisa Norway oo ay dowladu ka qaaday.

Maxkamada Racfaanka ayaa si lamid ah tan hoose ee Oslo go´aankeeda ku sheegtay inay u badantahay in Abiib uu kasoo jeedo dalka Jabuuti. Qareenka Abiib ayaa dhankiisa sheegay in maxmakada racfaanka ay iska indho tirtay cadeymo cusub oo ay keeneen, kuwaas oo tilmaamayay in Abiib uu Soomaaliya kasoo jeedo.

Gudoomiyaha Rødt: Norway ayaa masuul ka ah Mahad

Gudoomiyaha xisbiga Rødt, ahna xubin katirsan baarlamaanka Norway Bjørnar Moxnes iyo Nora C Warholm Essahli oo katirsan madaxda Rødt, ayaa maanta wargeyska Dagbladet kusoo daabacay maqaal ay si wadajir ah uga hadleen kiiska Mahad Abiib, ayna ku tilmaameen in Norway ay masuul ka tahay Mahad Abiib.

Bjørnar iyo Nora ayaa maqaalkooda ku sheegay in dowladu ay Mahad ka dhigtay «dowlad-laawe»(statsløs), maadaama laga qaaday dhalashadiisii Norway, jabuutina ay diiday inay qaabisho, iyada oo sheegtay inuusan aheyn muwaadin u dhashay dalkeeda. Waxeyna maqaalkooda ku sheegeen in arintan aysan saameyn doonin Mahad oo kali ah, balse ay cabsi ku abuuri karto soo galooti badan oo wadanka kunool.

Maqaalka ay labadan siyaasi ku qoreen Dagbladet ayaa sidoo kale ay ku sheegeen in kiiska Abiib uusan halkaas ku dhamaan, balse wareega xiga uu noqon doono maxkamada xuquuql insaanka Yurub ee kutaal dalka Faransiiska. Waxeyna dowlada dalbadeen in Norway ay mahad usoo celiso sharcigiisa dhalashada.

Sida ay ku sheegeen maqaalkooda, xisbiga Rødt iyo xisbiyada kale ah SV iyo MDG ayaa dhawaan baarlamaanka u gudbiyay hindise sharciyeed isbadal loogu sameynayo xeerka soo galootiga Norway, si loo xadido xiliga ay dowladu dib u furi karto kiiska qofka, si ay ugala noqdaan sharcigiisa dhalashada.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments