Norway: Dowlada oo xireyso ku dhawaad kala bar xafiisyada laga qaato baasaboorada cusub

0
99
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Sida ay qortay wakaalada wararka ee NTB, wasaarada cadaalada iyo amniga Norway ayaa go´aamisay in la xiro 64 xafiis oo kamid ah 141-ka xafiiska ee laga qaato ama laga dalbado baasaboorada cusub. Waxaana soo hari doono oo kali ah 77 xarumood.

Wasaarada ayaa arintan ku sababeysay in hantidhowrka guud ee Norway uu sheegay in nidaamka amni ee goobaha laga qaato baasaboorada cusub uusan aheyn mid gaarsiisan heerkii loo baahnaa.

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay ineysan habooneyn in xafiisyada intaas tiro le´eg ee laga bixiyo baasaboorada cusub ay furnaadaan, hadii laga fakarayo kuwaalitiga iyo amniga nidaamka baasaboor bixinta.

Wasiirka amniga Norway ayaa sheegay inay fududahay in qofka uu dalbado, uuna helo baasaboor cusub, kadib marka uu lumiyo. Wuxuuna raaciyay in sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah ay Norway ku lumeen 30.000 oo baasaboor, ayna wasaaradu ogtahay in qaar badan oo kuwaas kamid ah loo adeegsaday howlo la xiriiro wax isdabo marin, amni-daro tahriibin iyo musuqmaasuq.

Xiritaanka xafiisyadan ayaa keeni doono inay kororto mudada sugitaanka qofka ee dalbashada baasaboor cusub, waxeyna wasaaradu sheegtay in xarumaha furan loo kordhin doono xiiga shaqada, si ay u kabaan kororka mudada sugitaanka.

Xigasho/kilde: Dagbladet/NTB: Halkan ka akhri liiska xafiisyada la xiri doono

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments