Madaxda EU iyo UK oo heshiis ka gaaray ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub

0
86

Madaxda midowga Yurub iyo reysulwasaaraha Ingiriiska ayaa ugu danbeeyay saxiixay heshiiska hordhaca ah ee ka bixitaanka UK ee midowga, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk.

Hoggaamiyeya UK oo gaaraya 27 ayaa taageeray heshiiska ay Britain kaga baxeyso Yurub, kadib kulan qaatay wax ka yar saacad ay ku yeesheen magaalada Brussels.

Tusk ayaa Sabtidii ka dhawaajiyay in heshiiska qabyada ah la ansixin doono kaddib markii xukuumadda Spain ay ka laabatay go’aankeedii ku saleysnaa mustaqbalka gobolka Gibraltar.

Madaxweynaha golaha Yurub ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray heshiiska la ansixiyay ee ka bixitaanka Britain Midowga Yurub.

Heshiiska wuxuu u baahan yahay inay meel mariyaan baarlamaanka UK inkastoo xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan ay kasoo horjeedaan.

Waxaa la filaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub 29 bisha Marso ee sannadka 2019-ka.

Reysulwasaaraha UK ayaa hada wajihi doonto sidii madaxda iyo siyaasiyiinta xisbigeeda ay uga dhaadhicin laheyd heshiiskan ay soo saxiixday.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments