Daawo: Ilhaan Cumar maxey ka tiri guushii taariikhiga aheyd ee xaley ay ku guuleystay aqalka Congresska.

0
99

Ilhaan Cumar ayaa xaley guur taariikhi ah kasoo hoyday doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka, waxeyna noqotay qofkii u horeeyay oo Soomaali ah ama Muslim ah oo taariikhda Mareykanka ku guuleysatay Xildhibaan Kursiga Aqalka Congress-ka.

Guushan ayaa ka dhigan in Ilhaan ay wixii ka dambeeya fariisan doonto magaalada Washington, gaar ahaan kursiga Aqalka Congress-ka Mareykanka oo ay ku matali doonto Xisbiga Dimoqraadiga ah.

Soomaalida degan Minnisotta ayaa soo dhoweeyay guushan taariikhiga ah ee ay soo hoyeen Soomaalida, gaar ahaan Guusha Ilhaan Cumar ka soo hoysay Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa si aad ah isha loogu hayay, waxaana dabaal degyo ka bilowday Gobolka Minnesotta oo ay u badan tahay Soomaalida.

Halkan ka daawo khudbadii ay u jeedisay taageerayaasheeda guusha kadib:

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments