Maxkamada Oslo oo go´aan kasoo saartay dacwadii racfaanka Mahad Abiib: Akhri go´aanka maxkamada

0
131
Foto: Wardoon.net

Maxkamada darajada labaad ee magaalada Oslo ayaa maanta oo arbaco ah go´aan kasoo saartay dacwadii racfaanka aheyd ee uu Mahad Abiib horey uga gudbiyay go´aankii ay kiiskiisa ka gaartay maxkamada darajada koowaad ee Oslo.

Maxkamada D.2 ee Oslo ayaa diiday inay aqbasho racfaanka Mahad Abiib, waxeyna go´aankeeda ku raacday go´aanka maxkamada darajada koowaad ee Oslo. Iyada oo taas ay ka dhigantahay in Abiib uusan ku guuleysan dacwadii uu ka gudbiyay in loogu soo celiyo sharciga dhalashada dalkan Norway.

Mahad ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo lacag dhan 137.810 oo ah lacagta qarashaadkii ku baxay dhageysiga dacwada maxkamada Oslo.

Abiib ayaa maalmo kahor warbaahinta soomaalida ka sheegay inuu go´aansaday inuu dalkiisii Hooyo dib ugu noqdo, go´aan kasta oo ay maxkamada D.2 ee Oslo ay ka gaarto kiiskiisa.

Xigasho/kilde: VG

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments