Warbaahinta Sweden iyo xisbiyada xagjirka ah oo durba weerar ku bilaabay xildhibaan Leyla Cilmi

0
82
Foto: Facebook Page- Leila A Elmi

Leyla Cilmi oo ah siyaasiyad dhalinyaro soomaali ah ayaa sanadkan kamid noqotay xubnaha baarlamaanka dalka Sweden, iyada oo mataleysay xisbiga cagaaran ee Miljøpartiet. Leyla oo kujirtay booska 21-aad ayaa si qaabeysan oo mucjiso ah kaga mid noqotay labada xildhibaan ee xisbiga cagaaran ugu soo baxday magaalada Gotoberg.

Isniintii shaley aheyd ayay Leyla markii ugu horeysay u kalahday xarunta baarlamaanka dalka Sweden, iyada oo ah xildhibaan. Leyla ayaa ah gabadhii ugu horeysay ee xijaaban ee abid kamid noqoto baarlamaanka Sweden.

Waxey sameysay olole shaqsiyeed oo af soomaali ah:

Warbaahinta dalka Sweden ayaa isla axadiiba bilaabay inay wax ka qoraan guusha xildhibaan Leyla, iyada oo qaarkood ay dureen qaabka ay leyla kusoo baxday, kuna heshay kursiga baarlamaanka. Waxeyna leyla ku eedeynayaan inay sameysay olole doorasho oo iyada u gaar ah, kana baxsan kan guud ee xisbiga, iyada oo af soomaali ku gudbineysay balanqaadkeeda doorashada, si ay cod uga hesho soomaalida degan Gotoberg.

Leyla ayaa iska fogeysay eedeyntaas, waxeyna sheegtay in ololaheeda doorashadu uu ahaa mid ay u waday xisbigeeda, balse si ay u fududeyso fariinteeda doorashada, ay dooratay af soomaali. Iyada oo sidoo kale raacisay inay tahay siyaasiyad Swedish ah, ayna ka fogaaneyso wax walba oo kala qeybinayo bulshada Sweden.

Warbaahinta xagjirka ah ee dalka Sweden ayaa sidoo kale qorayo in Leyla ay olole ka dhex sameysay reerkeeda(qabiilkeeda) gaarka ah, sidaas darteed ay ugu fududaatay inay hesho codad tiro badan. Inkasta oo aysan soo bandhigin wax cadeyn u ah warkaas ay ololaha doorashada Leyla ka qoreen.

Xigasho/kilkde: SVD.SE

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments