Trondheim: Nin labo wiil oo reer Afgaanistaan ah xaley ku dilay Trondheim

0
85

Nin u dhashay dalka Afgaanistaan ayaa xaley labo wiil oo dhalinyaro reer Afgaanistaan ah ku dhex dilay guri kuyaal magaalada Trondheim, halka uu dhaawacay mid kale. Ninkan oo markii danbe boolisku xabad ku dhaawaceen, ayay ku guuleysteen inay soo qabtaan, wuxuuna hada kujiraa xabsiga.

Ninka wax dilay iyo sadexda qof ee uu waxyeelada gaarsiiyay ayaa dhamaantood sanado kahor Norway kusoo galay qoxootinimo, waxeyna qaarkood ahaayeen saaxiibo isku dhow. Halka labo kamid ahna ay isku guri degnaayeen.

Booliska ayaa saaka soo gudbiyay magaca labada qof ee geeriyooday oo kala ah Nasratullah Hashimi oo 19 sano jir ahaa iyo Reza Alizada oo 17 sano jir ahaa.

Xigasho/kilde: VG(HALKAN KASII AKHRI)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments