18-ka bisha October ee sanadkan waxaa suuqa soo gali doono qeybta labaad ee waraaqaha cusub ee lacagta dalkan Norway. Waxaana markan suuqa soo gali lacagta cusub ee 50-ka Krone iyo 500 ee krone.
Bilowga sanadkan soo socdo ee 2019, waxaa sidoo kale suuqa soo gali doono lacagta 1000 ee cusub, iyada oo sanadkii 2017 bishiisii May ay suuqa soo galeen lacagta 200 iyo 100 cusub oo hada si caadi ah loo adeegsado.
