Norway: Labadan nin oo waxbo isku galin ayay dhaheen waa walaalo, waxeyna kasoo jeedaa dalka Tanzania!!

0
129
Foto: Skjermbilde TV2

Muuqaal baahiyaha TV2 ayaa bilo kahor soo bandhigay sheekada Yuusuf Axmed Ismaaciil oo dowlada Norway ay si qalad ah ugu tarxiishay dalka Tanzania, oo ay sheegtay inuu kasoo jeedo. Halka dowlada Tanzania ay diiday inay qaabiso Yuusuf oo ay sheegtay inuusan aheyn muwaadin u dhashay dalkeeda, waxeyna usii tarxiishay Soomaaliya. Norway ayaa ugu danbeyn ku qasbanaatay inay dib dalkeeda ugu soo celiso Yuusuf, loona soo celiyo sharcigiisa dal kujooga.

TV2 ayaa hadana mar kale soo bandhigay sheekada Mustafa Mohammed Yusuf oo ah nin kale oo soomaali ah oo ay dowlada Norway sheegtay inuu kasoo jeedo dalka Tanzania, una tarxiishay dalkaas. Tanzania ayaa sheegtay in Mustafa uusan u dhalan wadankeeda, waxeyna dhigeen xabsiga, maadaama uusan heysan warqadaha dalkujooga dalkaas.

TV2 ayaa sidoo kale soo bandhigay warqad ay qortay dowlada Tanzania sanadkii 2009, waxaana lagu xusay in Mustafa si qalad ah dalkeeda loogu tarxiilay, waxeyna safaarada Norway ka codsadeen in Mustafa laga caawiyo inuu Norway lagu celiyo. Mustafa ayaa sheegay inuusan helin caawitaan badan, wuxuuna sheegay inuu iskiisa ugu soo noqday Norway.

Inkasta oo ay soo baxday in Mustafa si qalad loogu tarxiilay wadan uusan u dhalan, hadana Norway ayaan wali Mustafa usoo celin sharciga magangalyada oo ay dib uga ceshadeen.

Laamaha soo galootiga Norway ayaa sidoo kale sheegay in Mustafe uu la dhashay Yuusuf Axmed Ismaaciil, inkasta oo labadoodu ay sheegeen inay kasoo kala jeedaan Woqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, aysana waxbo isku galin. Waxeyna labadooduba sheegeen inay diyaar u yihiin in laga qaado dhiiga DNA-ga, si loo hubiyo jiritaanka inay walaalo yihiin.

Qareenka labadan nin ee soomaalida ah ayaa sheegay inuu markale dacwad ka gudbiyay booliska Norway, qeybtooda ka shaqeeyo arimaha soo galootiga.

Fanaanka Philip Boardman ee kumagac dheer Admiral P oo kamid ah asxaabta Mustafe ayaa dowlada ka codsaday inay ka shaqeeyaan xalinta dhibta soo gaartay Mustafe, wuxuuna sheegay in Mustafe uu waligiis  ahaa walaal ka weyn oo kale.

Xigasho/kilde: TV2.NO

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments