VG: Haween hadiyado iyo caawin galmo uga badasho wiilasha da´yarta ah ee kaamamka kujiro

0
147

Sida uu soo bandhigay wargeyska VG, ayna kasii xigteen wargeysyo badan oo Norway ah, dhalinyarada magangalyo raadiska ah ee kujira xeryaha qoxootiga, ayaa ka cabanaya haween si mutawacnimo ah uga shaqeeyo xeryaha qoxootiga, isla markaana hadiyo iyo waxyaabo kale u keeno dhalinyarada kujirto xeryaha, si ay uga badashaan galmo.

Qaar kamid ah dhalinyaradan oo VG la hadlay ayaa sheegay in haweenkan oo u badan  Norwiiji u dhashay dalkan, da´ahaana waaweyn, ay dhalinyarada usoo iibiyaan hadiyo yar-yar, ama qalabka elektroniga, ayna u kaxeeyaan maqaaxayado cunteed, sidoo kalena shaneemo, ugu danbeeno ay geeyaan guryahooda. Iyada oo markaas ay dhalinyradu dareemayaan cadaadis ah inay ku qasbanyihiin inay haweenkaas ay abaalgud ahaan galmo ula sameeyaan.

VG ayaa sidoo kale soo bandhigay qaar kamid ah qoraalada fariimo ay is weydaarsadeen qaar kamid ah haweenkaas iyo dhalinyarada, ayna isku weydaarsanayaaheen fariimo iyo balamo.

Dhalinyaradan ayaa sidoo kale sheegay in haweenkan ay yihiin inta badan kuwo da´ ahaan ka waaweyn, ayna ka faa´iideysanayaan xaalada nololeed ee dhalinyaradan wadanka ku cusub. Iyaga oo raaciyay in arintan aysan aheyn wax qarsoon, ayna isla ogyihiin dhalinyarada kujira xeryaha qoxootiga.

Arild Humlen oo ah qareenka qaar kamid ah dhalinyaradan ayaa cadeeyay in xaalada nugul oo ay ku suganyihiin dhalinyaradan, ay tahay mid u dabcineyso in looga faa´iideyso siyaabo badan. Wuxuuna ku baaqay in la sameeyo nidaam lagula socdo dhaq-dhaqaada dhalinyarada, loogana hortago in laga faa´iideysto duruuftooda nololeed.

Ururka magangalyo doonka ee NOAS ayaa sidoo kale soo saaray baaq ku saabsan sidii dhalinyaradan looga ilaalin lahaa in laga faa´iideyso xaaladooda nololeeda.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments