Einar Aas: 2 isbuuc kahor 3 Bilyan ayuu heystay, maantana hal bilyan oo deyn ah ayaa lagu leeyahay

0
157

Intiina sida maalinlaha u akhrisa warbaahinta Norway, gaar ahaan kuwa ka warama arimaha dhaqaalaha, waxaa hubaal ah in isbuucii ugu danbeeyay aad ugu yaraan sawirka kore aragtay hal ama laba jeer maalintii.

Sawirka kore waa Einar Aas oo labo isbuuc kahor ahaa mid kamid ah 30-ka qof ee ugu taajirsan Norway, balse maalmo gudahood ku lumiyay wixii uu hanti lahaa, qarkana u saaran in qasab looga wareejiyo guryo iyo hanti badan oo uu tabcay labaatankii sano ee ugu danbeeyay. Labo isbuuc kahor hantida Einar Aas waxaa lagu qiyaasayay 3 bilyan oo lacagta Norway ah, maatana isaga ayaa lagu leeyahay hal bilyan.

Qaabkan ayuu ku waayay hantidiisa:

Einar Aas oo ahaa nin ka ganacsado ama dalaal ka ah sicirka korontada ee wadamada Nordica iyo Yurubta dhexe, gaar ahaan Germany ayaa isbuucyo galey sharad uu ku kalsoonaa in farqiga u dhaxeeyo sicirka korontada wadamada Nordica iyo Germany uu hoos u dhici doono, laakiin taas badalkeeda farqiga kor u kacay, sharadkii uu galeyna wuu la gadoomay.

Qaabkee looga ganacsadaa ama dalaal looga noqdaa sicirka korontada:

Korontada ama tamarta(energi) waa mid kamid ah waxyaabaha aas-aasiga u ah wax soo saarka warshadeed ee dhamaan caalamka, balse si gaar ah waxey muhiim ugu tahay wadamada Yurubta Woqooyiga xiliga qaboobaha. Sidaas darteed ayuu sicirka korontada saameyn udub dhexaad ah ku leeyahay wax soo saarka warshada, qiimaha alaabta, khasaarada ama faa´iida shirkadaas. Waxeyna shirkaduhu ku dadaalaan inay sida ugu weyn ee suurtogal ah ay u dhimaan isbadal ku imaada sicirka korontada, si aysan usoo bixin kharash aysan markii hore ku tala-galin.

Korontada waxaa iibiya shirkado waaweyn oo korontada ka shaqeeyo, waxeyna doorbidaan inay jumlo ahaan ugu iibiyaan shirkadaha wax soo saarka ee u baahan korontada badan. Waxaa hadaba jira dad u dhaxeeyo shirkadaha korontada iibiya iyo warshadaha wax soo saarka, waxaana dadkaas lagu magacaabaa dalaaleyda sicirka korontada. Dadkaas waxey jumlo ahaan xili hore koronto uga iibsadaan shirkadaha korontada, waxeyna rajeeyaan inuu kor u kaco sicirika korontada, si ay uga sii iibiyaan warshadaha wax soo saarka, ayna labadaas dhexdooda faa´iido lacageed uga dhaliyaaan.

Tusaale ahaan: Mohamed oo dalaal ah ayaa bishan September, shirkad koronto kasii iibsinaya 1000 kilo oo koronto ah oo ay soo saari doonto bisha January, wuxuuna uga iibsanayaa 10 kr kiiladiiba. Mohamed waxey jumlada korontada ugu fadhidaa 10.000 Kr. January markii la gaaro, wuxuu Mohamed rajeynayaa in sicirka korontada uu kor u kaco, si uu tusaale ahaan kiiladiiba ugu iibiyo 12 kr. Si markaas 1000 kiilo uu ugu iibiyo 12.000 kr, halkaas uu ka faa´iido 2000 kr.(12000-10000).

Maadaama dalaalnimadu korontadu ay ku dhisantahay khamaar iyo nasiib, Waxaa dhici karto in sicirka korontada uu hoos u dhaco, isla markaana uu Mohamed korontada ku iibiyo 8 kr. Uuna khasaaro 2000, halkii uu 2000 ka faa´iidi lahaa.

Tusaalaha kore waa mid aad u yar, balse sawir guud ka bixinayo qaabka uu suuqaas u shaqeeyo, laakiin lacag ahaan waa mid ku fadhiyo boqolaal bilyan oo kr bishiiba. Einar Aas(sawirka kore) wuxuu kamid ahaa dadka hantida badan ka dhaliyay ayuu ahaa dalaalnimada suuqa sicirka korontada, wuxuuna kamid ahaa dadka ugu taajirsan Norway.

Dhibta qabsatay Einar Aas ayaa ah inuu iibsaday balaayiin dollar oo koronto ah, isaga oo rajeynayay in farqiga u dhaxeeyo sicirka uu kusoo iibsaday iyo kan uu iibin doono uu yaraado, balse dhanka kale ayay noqotay, oo isagii ayaa khasaaray dhamaan wixii uu hanti heystay. Waxaana hada gorgortan loogu jiraa sidii qasab looga iibin lahaa guryihiisa, saami uu ku leeyahay shirkado kale iyo dhamaan hantidiisa kale. Lacagta Einar ku go´day ayaa dhan hal bilyan oo Kr, oo laga rabo inuu soo gudo ama uu bixiyo uu xaraasho hantidiisa

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments