Buug ay qortay qoraa dhalinyaro reer Norway oo sanadkan lagu soo bandhigay carwada buugaagta Muqdisho.

0
160
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed iyo Yaasmiin Jaamac
Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo buuga Haldoorka Nolosha

Labo isbuuc kahor waxaa magaalada Muqdisho lagu soo afmeeray Carwada bandhiga buugaagta ee Muqdisho oo sanadkan la qabtay markii afaraad. Waxaana bandhigaas kasoo qeybgalay qoreyaal caan ka ah soomaalida dhexdeeda, laguna soo bandhigay boqolaal buug oo isugu jiro kuwa cusub iyo kuwa xili hore la qoreyba.

Buugaagta sanadkan carwada bandhiga buugaagta ee Muqdisho lagu soo bandhigay, waxaa kamid ah buuga «Haldoorka Nolosha» oo ah buug ay qortay Yaasmiin Jaamac Xasan oo ah qoraa dhalinyaro reer Norway ah. Buugan ayaana kamid ahaa buugaagta loogu hadelheynta badnaa carwada sanadkan, iyada oo qoraaga buugan ay kamid aheyd qoreyaasha lagu maamuusay inay hadal ku yeeshaan goobta bandhiga.

Haldoorka Nolosha: Buug dhiirigalin ah

Yaasmiin Jaamac oo ah ardayad dhigata maadada Cilmi-Nafsiga(Psychology), ayaa hadalka ay ka jeedisay carwada bandhiga buugaagta kaga warbixisay buugeeda, iyo sababaha ku dhaliyay inay qorto. Waxeyna sheegtay in buugeedu uu yahay mid ka hadlaya dhiirigalinta qofka ee ka miro-dhalinta hadafkiisa nololeed, iyo kahor tagista waxyaabaha dadka ku rida  niyad jabka iyo rajobeelka, isla markaana ka hor istaaga inay gaaraan hamigooda nololeed.

«Waxaan arkay in dhalinyaro badan aysan heysan dareen ku dhiirigaliya inay hamigooda nololeed gaaraan, iyada oo badanyihiin waxyaabaha dadka niyad jabiyo ama ku rida rajobeelka, ayna badantahay saameynta ay qofka ku yeeshaan hadalada iyo aragtida aan wanaagsaneyn ee dadka kale»

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, wasiirka qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan ayaa kamid ah madaxda katirsan dowlada Soomaaliya ee qoraagan reer Norway ugu hambalyeeyay qorista buuga Haldoorka nolosha.

Halkan ka daawo wareysiga SNTV- ee Yaasmiin Jaamac Xasan

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments