UDI: Dadka heysta baasaboorada buluuga ah, waa inay qaataan baasaboorka soomaaliga ah

0
204

Dowlada Norway ayaa bishii hore aqoonsatay baasaboorka soomaaliga ah, waxeyna sheegeen in baasaboorka soomaaliyeed, si lamid ah baasaboorada wadamada kale lagu soo gali karo Norway, haduu uu qofku heysto dal kugal(viso) ama sharci kale oo u ogolaanaya inuu Norway soo galo.

Hey´adda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ayaa dhamaadka isbuucii hore bogeeda internetka kusoo qortay qoraal ay ku sharaxeyso qaabka dadka soomaalida ah ee wadankan kunool ay u adeegsan karaan baasaboorka soomaaliyeed.

Dadka heysta baabasoorka buluuga ah:

Sida lagu sheegay qoraalka ay UDI-du soo dhigtay barteeda internetka, dadka soomaaliyeed ee heysta baasaboorka buluuga ah ee Norway ay siiso soo galootiga, ayaa ku qasbanaan doono inay soo sameystaan baabasoor soomaali ah. Waxeyna UDI-du qeexday in dadka heysta baasaboorada  buluuga ah ay u safraan safaaradaha Soomaaliya ee ugu dhow(Roma iyo Brussels), ayna inta uusan dhicin kan ay hada wataan,  ayna soo qaataan baasaboor soomaali ah. Caruurta ay dhaleen waalidka heysta baasaboorka buluuga ayaa iyagana dhankooda ku qasban in loo sameeyo soomaali ah.

UDI-da ayaa qoraalkeeda sidoo kale ku xustay in wixii ka danbeeyo kowda bisha August ee sanadka 2019, aysan dadka soomaaliyeed u cusbooneysiin doonin baasaboorada buluuga ah ee soo galootiga. Waxeyna sidoo kale sheegeen in dadka hada ay u xareysanyihiin codsiyada baasaboorka buluuga ah, ay heli doonaan baasaboor shaqeynaya labo safar ah oo kali ah, si ay ugu safraan safaarada Soomaaliya ee ugu dhow, ayna u doontaan baasaboor soomaaliyeed.

Dadka heysta baasaaboorka cagaarka(kan qoxootiga). 

Sida lagu xusay qoraalka ay laanta socdaalku soo dhigtay bogeeda, dadka soomaaliyeed ee heysta magangalyada qoxootiga, heystana baasaboorka qoxootiga ee cagaarka ah, ayaan ku qasbanaan doonin inay sameystaan baasaboorka soomaaliyeed, waxeyna si caadi ah usii heysan karaan baasabaarka qoxootiga ee hada ay heystaan. Iyaga oo sidoo kale raaciyay ineysan ka dalban doonin dadka heysta magangalyada qoxootiga, iney qaataan baasaboorka soomaaliga ah, hadii ay u keeni jarto khatar shaqsiyeed.

Qoraalka ay laanta socdaalku soo dhigtay bogeeda ayaa sidoo kale lagu xusay in dadka loo dacwooday, isla markaana helay ogolaanshaha dacwada ee dalkugalka Norway, ay si caadi ah Norway ugu soo gali karaan baasaboorka soomaaliga ah, ee loo saaray viisada ama dal kugalka.


F.G: Waxaa  aad noogu batay su´aalaha shaqsiyeed ee ku saabsan waxyaabaha la xiriira sharciyada iyo arimaha qoxootiga. Waan ka xunahay inaan Kama jawaabi karin su aalaha arintaas la xiriira, maadaama aanan aqoonteeda iyo shaqadeeda laheyn. Hadii aad qabto su aal arimahaas ku saabsan, fadlan la xiriir qareen ama hey´addaha kale ee arintaas ka shaqeeya, sida UDI-da ama NOAS. 

Xigasho/kilde: UDI.NO(HALKAN KA AKHRI faah-faahinta warka kore oo Norwiiji ah)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments