Vårtland: 28 qof oo jabuuti kasoo jeedo, balse sheegtay inay Soomaaliya ka imaadeen ayaa laga qaaday sharciga dal kujooga Norway

0
275
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Sida uu maanta qoray wargeyska Vårtland, ayna kasii xigteen wargeysyo badan oo wadankan Norway ah, laanta socdaalka dalkan Norway ee UDI-da ayaa shantii sano ee ugu danbeeyay sharciga dal kujooga Norway kala noqotay 28 qof oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Jabuuti, balse sheegtay inay Soomaaliya kasoo qaxeen.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in haweeney kamid ah dadkaas ay maxkamada Oslo ku xukuntay lix bilood ah oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi sheegis macluumaad aan sax aheyn. Haweeneydan ayaa sheegatay, magangalyana ku codsatay inay kasoo jeedo dalka Soomaaliya, inkasta oo markii danbe ay UDI-du sheegtay inay kasoo jeedo dalka Jabuuti.

Haweeneydan ayaa racfaan ka qaadatay go´aanka maxkamada, laakiin maxkamada racfaanka ayaa tuurtay kiiska haweeneydan, kadib markii lagu guuleysan waayo in lasoo istaajiyo dhageysiga dacwada racfaanka.

Karin Andersen oo ah xildhibaan katirsan xisbiga SV, kana mid baarlamaanka ayaa sheegtay in dowladu ay awood iyo qarash aan loo baahneyn ay ku bixineyso arintan.

Xigasho/kilde: Nettavisen/vårtland

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments