Vårtland: 41 qof oo soomaali ah ayay UDI-du kala noqotay magangalyada qoxootinimada

0
97
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Sida uu maanta qoray wargeyska Vårtland, laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee loo yaqaan UDI-da ayaa magangalyada qoxootinimada kala noqotay 41 qof oo soomaali ah. Dadkan soomaalida ah ayaa kamid ah 1400 qof oo ay UDI-du horey u sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo.

Vårtland ayaa sidoo kale qoray in UDI-du ay laashay kiisaska ku dhawaad 200 oo qof, kuwaas oo ay UDI-du qiimeyn kadib ay xaqiijisay inay wali usii baahanyihiin magangalyo. Halka 22 qof oo markii hore loo diray digniinta kala noqoshada magangalyada, ay UDI-du dib ugu soo celisay sharciga magangalyada.

Sida uu qortay wakaalada wararka Norway ee NTB, dadka soomaalida ah ee UDI-du ay kala ceshatay magangalyada qoxootiga ayaa intooda badan kasoo jeedo magaalada Muqdisho. Waxeyna UDI-du go´aangooda ku saleeyeen in amaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagay, sidaas darteed aysan dadkaas u baaheyn magangalyo qoxootiyeed.

Ururka NOAS iyo ururo badan oo ka shaqeeyo xuquuqda qoxootiga ayaa horey Norway uga digay inay qoxootiga soomaalida ka ceshato sharciyada magangalyada oo ay horey u siisay iyadu. NOAS ayaa warbixin ay dhawaan soo saareen ku cadeeyay in xaalada amaan ee Muqdisho aysan aheyn mid kasoo reysay, waxeyna tusaale usoo qaateen qaraxyadii sanadkii ugu danbeeyay ka dhacay Muqdisho.

Srilanka: Hal qofna lagama ceshan magangalyo

Marka laga tago soomaalida, UDI-da ayaa sidoo kale dib u qiimeyn ku sameyneysay kiisas la xiriira baahida magangalyo ee dadka kasoo jeedo wadanka Srilanka. UDI-da ayaa dib u qiimeysay baahida magangalyo ee lix qof oo kasoo jeedo dalka Srilanka, waxeyna go´aansadeen inay laalaan 4 kamid ah kiisaskaas(aan la fiirin), halka labada kalena ay dib ugu soo celiyeen sharcigooda magangalyo.

Wixii warkan kasoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Vårtland(halkan kasii akhri warkan oo Norwiiji ah)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments