Kasoo qeybgal daahfurka labo buug oo loo aayi doono

0
268

Af-soomaaliga waad ku hadashaa ee ma kuu tayeysan yahay hab dhigaalkiisa. Ma dooneysaa hab dhigaalka afka, ln aad ku dheehdo dhedhen iyo qurux wax laga dheegan karo, haddaba si ay taasi u dhacdo, ha moogaanin bandhigga Buugga ama dhiganaha la yiraahdo (BIDHAAMIYE) Qubanaha afka hooyo ee uu qoray barbaariye Bashiir Cali Xuseen. Waa hubaal in aad u aayi doonto marka aad akhrintiisa gundhiguga dhigto dhagaysiga tilmaan bixinta qoraaga Buugga. Haddaba yaan lagaaga sheekayn ee soo hiigso goobta bandhigga.

Caafimaadku waa muhiin oo taas waxaad garan kartaa marka aad xanuunsato. Ma fahantaa erayada laatiinka ah ama afka Noorwiijiga ah waxa lagu yiraahdo xubnaha jirka, cudurrada, qandhada/xumadda iyo astaamaha cudurrada. Ma doonaysaa inaad hesho qaamuus/eray-koobe aad ka heli karto erayada aad u baahan tahay, waa qaamuus si habsami ah laguugu sharaxayo! Haddaba ha moogaan bandhiga EREYBIXINTA CAAFIMAADKA oo uu Dr. Maxamed Hashi kuugu diyaariyay Af-Swiidhish iyo Af-Soomaali isku turjuman. Waxaan ognahay erayada caafimaadka badankood waa caalami, balse Norwiijiga iyo Swiidhishka waa isla hal ee ha moogaan madashan laguugu sharaxayo.


Maalinta: Sabtida 25-ka bishan Agoosto 
Saacadda: 2-bada duhurnimo / 8-saac duhurka(14:00)

Goobta: Kafe’ Saba (Ka soo horjeedka Saldhiga Booliska ee Grønland)

Cinwaanka: Hollendergata 10 
La xiriir – Luul Araweelo Kulmiye 90669364 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments