Maxkamada Sare Maraykanka oo ansixisay Xayiraadii Socdaalka Muslimiinta ee Trump

0
112

Maxkamada ugu sareysa ee dalka Maraykanka ayaa ugu danbeyn shaley ansixisay xayiraadii Socdaalka ee uu Donald Trump dul dhigay Muslimiinta kasoo jeeda lix wadan oo Islaam ah.

Trump ayaa xiligii uu doorashada ku jiray Bishii December 2015 horey u sheegay inuu muslimiinta ka mamnuuci doono inay yimaadaan dalka Maraykanka. Sharcigan ayaa markiisii ugu horeyey ee lasoo saaro lagu sheegay in dadka kasoo jeeda dalalka Islaamka ah ee Soomaaliya, Liibiya, Sudan, Chad, Yemen, Syria, Iraq iyo Iran aysan socdaal ku imaan karin dalka Maraykanka.

Dhaqan gelinta sharcigan ayey xiisad weyn ka dhalatay iyo banaanbaxyo shacabka dhigeen, waxaa sidoo kale Madaarada dalkaasi laga celiyey dad xataa heysta degenaanshaha Green Card-ka Maraykanka oo kasoo jeeda dalalka isir-sooca lagu sameeyey, waxayna maxkamadaha Federaalka laaleen xayiraadan sadex goor.

Xukuumada ayaa isbedalo kooban ku sameysay sharcigan, waxaana laga saaray listiga dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Iraq, Sudan iyo Chad, iyadoo lagu daray ugu danbeyntii wadamada Kuuriyada Waqooyi iyo Venezuela.

Maxkamada sare oo bilihii lasoo dhaafay kiiskan eegaysay ayey 9 Garsoore ku kala qeyb sameen, 5ta Garsoore ee taageera xisbi Xaakimka Jamhuuriga ayaa ansixiyey sharcigan, halka 4ta Garsoore ee kale ay si adag uga soo horjeesteen.

Donald Trump ayaa go’aankan ku tilmaamay guul weyn, wuxuuna go’aankan mugdi weyn gelinayaan dadka qaxootiga ahaa ee rajada ka qabay in la geeyo dalka Maraykanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments