Midowga Yurub oo diidan inay u hambalyeeyaan guusha doorashada ee madaxweyne Urdugan

0
134

Midowga Yurub ayaa diiday inay u hambalyeeyaan madaxweynaha dalka Turkiga, Rajeb Urdugan oo shaley mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalkaas. EU-da ayaa ka deyriyay xaalada sida ay ku dhacday doorashadaas, waxeyna sheegeen in doorashadaas ay aheyd mid aan cadaalad ku dhicin, ayna jireen wax isdaba maris.

Madaxa arimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini iyo madaxa balaarinta xuduudaha midowga Yurub, Johannes Hahn ayaa sheegay ineysan jiri doonin wax hambalyo ah oo ka imaan doono dhanka Midowga Yurub, waxeyna Turkiga ku booriyeen inay wax ka qabtaan nidaamka cadaalada iyo hufnaanta hanaanka dimuqraadiyada, waa sida ay hadalka u dhigeene.

EU-da ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay awoodaha dheeriga ah ee uu helay madaxweynaha mar kale shaley la doortay ee Urdugan, gaar ahaan inuu helay awood dheeri ah oo ku magacaabi karo gole wasiiro.

Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2005, loolan ugu jiray kamid noqoshada midowga Yurub. Inkasta oo qorshahaas uu hada istaagay, ayna sanadihii ugu danbeysay uu Turkiga xiriir dhow lasii sameynayay wadamada Ruushka iyo Iiraan.

Xigasho/kilde: Nettavisen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments