Orodyahan soomaali ah oo ku guuleystay Maaradoonka Oslo

0
163

Orodyahan soomaali ah oo degan dalka Sweden ayaa maalintii shaley aheyd ku guuleystay orodka maaradoonka Oslo oo sanad walba la qabto bishaan oo kale.  Mustafa Mohammed ayaa noqday qofka kaalinta koowaad ka galay orodkan oo ay ka qeybqaateen boqolaal kamid ah dadweynaha magaalada Oslo.

Mustafa oo kamid ah orodyahanada ugu caansan dalka Sweden ayaa 10-ka kiilo-mitir ee tartanka orodka Oslo ku orday waqti dhan 29 daqiiqo iyo 50 ilbiriqsi. Mustafa Mohamed ayaa sidoo kale horey dalka Sweden ugu guuleystay dhowr biladood oo isugu jiro dahab, qalin iyo maar oo dhanka orodada dhaadheer iyo kuwa dhexe ah.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments