Maal qabeen Norwiiji ah oo lacag ugu deeqay soo galootiga u shaqeeya ee dhibaatada xaga sharciga ah la kulmo

0
185

Petter Stordalen oo ah maalqabeenka iska leh shirkada Hoteelada ee Nordic Choice Hotels ayaa lacag milyan ugu deeqay shaqaalaha hoteeladiisa ee la kulma dhibaatada xaga sharciga ah.

Shirkada Stordalen ayaa lacagtan ugu deeqday ururka magangalyo doonayaasha Norway ee NOAS, si loogu caawiyo soo galootiga u baahan caawinaad dhanka sharciyada ah.

War saxaafadeed ay soo saartay shirkada Stordalen ayaa lagu sheegay in maadaama ay yihiin shaqo bixiyeyaal ay masuuliyad ka saarantahay arintan, sidaas darteedna ay taageeradan dhaqaale ugu deeqeen soo galootiga u baahan.

Ururka NOAS ayaa dhankooda sheegay inay lacagtan u adeegsan doonaan soo dhicinta xuquuqda dadka magangalyo doonka ah iyo sixitaanka qaladaadka dhanka sharciga ah ee soo galootiga laga galo.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments