Switzerland: Soomaali dab qabadsiiyay goob kaniisad ah.

0
126
Foto: Wiki

Sida ay sheegeen booliska deegaanka Pfäfers ee dalka Switzerland, nin soomaali 28 sano jir ah oo dalkaas qoxootinimo kujoogo ayaa dab qabadsiiyay goob kaniisad ah oo deegaankaas kutaal.

Dabka uu ninkan shiday ayaa waxyeelo gaarsiiyay agab dhexyaalay kaniisada, inkasta oo ay boolisku sheegeen in dabkaas la damiyay kahor inta uusan waxyeelo xoogan geysan.  Ninkan soomaaliga ah ayaa sidoo kale burburiyay taalo iyo sawiro dhexyaalay kaniisada, iyo qalab kale oo kaniisadu ay laheyd, sida ay qoreen warbaahinta lokalka ah ee deegaankaas.

Ninkan soomaaliga ah oo aysan boolisku wali gacanta kusoo dhigin ayaa la sheegay inuu maskax ahaan iskula hadlay, laguna daaweynayay goob gaar ah, kahor inta uusan falkan ku kicin.

Khasaaraha dhaqaale ee waxyeelada uu ninkan soomaaliga ah u geystay kaniisada ayay boolisku sheegeen inay ku kici karto tobonaan kun oo Yuuro(Euro).

Xigasho/kilde: unsertirol24.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments