Booliska Sweden: Shabakad malaayiin lacag ah ka sameyso qashka imtixaanka jaamacadaha oo la qabtay

0
151
Foto: Skjermdump/Expressen.se

Sida ay maanta sheegeen booliska dalkaas, waxaa xabsiga la dhigay ilaa sadex qof oo katirsan shabakad iibisa, isla markaana ka ganacsata qashka imtixaanada jaacamadaha dalka Sweden. Mid kamid ah dadka la qabtay ayaa ah qof waardiye ka noqdo fasalada ay ardeydu imtixaanada ku galaan, waxaana ay boolisku sheegeen inay wali jiraan dad kale oo laga shakisanyahay arintan, balse aan wali lasoo qaban.

Shabakadan ayay boolisku sheegeen inay qashka imtixaanada jaamacadaha ka sameeyeen lacag dhan 10 milyan, iyaga oo xiligan isku diyaarinayay inay iibiyaan jawaabaha saxda ah ee imtixaanada jaamacadaha dalkaas ee xagaagsan. Lacagta ay ka sameeyeen ganacsigan ayay boolisku sheegeen inay ku iibiyeen dahab, kaas oo markii danbe ay u dhoofiyeen dalka dibadiisa.

Booliska Sweden ayaa howlgal isbuucan sameeyay howlgal ay ku qaadeen goob uu imtixaan ka socday, waxeyna sheegeen inay jiraan ilaa 70 qof oo looga shakisanyahay inay adeegsadeen imtixaanka qashka ah ee shabakadan ay iibiso.

Xigasho/kilde: Expressen.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments