NOAS: 67% dadkii sanadkii hore codsaday magangalyo, waxey heleen jawaab positiv ah

0
137

Sida lagu sheegay warbixin ay soo bandhigtay ururka magangalto doonayaasha Norway ee NOAS, 67% dadkii sanadkii hore magangalyo ka codsaday Norway ayaa helay sharciga magangalyada.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa si aad ah hoos ugu dhacay tirada dadka magangalyada weydiistay Norway, balse 2 kamid ah sadexdii qof ee magangalyada codsaday sanadkii hore, ayaa helay sharciga sida lagu sheegay warbixinta NOAS. 61% dadkaas waxey heleen sharci qoxootinimo, halka 6% kalena ay heleen mid bini aadantinimo.

60% dadka sanadkii hore Norway ka codsaday magangalyada ayaa ah caruur iyo haween.

Xigasho/kilde: NOAS.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments