Listhaug oo ugu danbeyn xilkii wasiirnimo iska casishay

0
166
Photo: Ze'ev Yanai

Wasiiradii cadaalada dowlada Norway, Sylvi Listhaug ayaa saaka ku dhawaaqday inay iska casishay xilka wasiirnimo, iyada oo saacado ay ka dhimanayeen mooshin iyada ka dhan ah oo baarlamaanka Norway la keeni lahaa.

Mooshin Listhaug ka dhan ayaa maanta lagu waday in baarlamaanka la horkeeno, waxeyna u muuqatay in Listhaug ay lumin laheyd kalsoonida baarlamaanka ee xilka wasiirnimo. Iyada oo sidoo kale laga cabsi qabay in arintaas ay dhaliso qalalaase siyaasadeed oo ugu danbeyntii keeni karay in dowlada Erna Solberg ay dhacdo.

Listhaug ayaa sheegtay inay iyadu dooratay inay xilka isaga tagto, intii xisbigeeda FRP uu lumin lahaa awooda dowlada, ama ay dhici laheyd dowlada garabka midig ee Norway xiligan ka talisa. Waxeyna canbaareyn kulul dusha uga duurtay xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan KRF oo ay sheegtay inuusan laheyn dhabar adeyg.

Wasiiradii hore ee cadaalada Norway ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedeysay inay iyada shaqsi ahaan u daba dhigteen, waxeyna raacisay in baarlamaanka Norway uu lamid noqday xarunta xanaanada caruurta.

Gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa u mahadnaqday Listhaug, waxeyna sheegtay in waayaha siyaasadeed uu Sylvi Listhaug uusan halkaas ku dhamaan doonin, balse ay mar kale lasoo bixi doonto car car danbe.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa dhinaceeda u mahad celisay Listhaug oo soo qabatay sadex wasaaradood, intii ay Solberg reysulwasaara aheyd. Waxeyna raacisay in Listhaug ay mar kale qaban karto xil wasiirnimo, xiliyada soo socdo.

Is casilaada Listhaug, wuxuu si uun xal ugu noqon doonaa xaaladii cakirneyd ee maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd siyaasada dalkan Norway. Wixii kusoo kordha, dib ayaan soo galin doonaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments