Tirada soomaalida lagu dilay South Africa oo sanadkii 2017 aad u korortay:

0
206

Koonfur Afrika waxa ay kamid tahay dalalka ay soomaalidu u qaxday sanadihii bur-burka, waxaana ay halkaas ka furteen ganacsiyo yar yar iyo waliba kuwa waaweyn, kaas oo u keenay cadaawad joogto ah oo ay la kulmaan dadka wadanka u dhashay, gaar ahaan madowga.

Sida uu idaacada VOA-da u xaqiijiyay mid kamid ah soomaalida degan dalka South Afrika, sanadkii 2017, waxaa sare u kacay tirada dadka soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaas. Waxaana sanadkan la dilay 137 qof oo soomaali ah, una badan dhalinyaro ganacsato ah.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments