Listhaug: Waxaan u safri doonaa dalalka Kenya, Sudan iyo Ethiopia.

0
208
Photo: Ze'ev Yanai

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway Sylvi Listhaug ayaa maanta sheegtay inay safar hal isbuuc qaadan doono ay ku tagi doonto bariga Afrika, gaar ahaan dalalka Kenya, Ethiopia iyo Sudan. Waxaana safarkeeda ku wehelin doono shaqaale katirsan wasaaradeeda iyo wasaarada arimaha dibadda Norway.

Listhaug ayaa sheegtay inay la kulmi doonto madaxda dalalkan, si ay uga wada hadlaan heshiisyo ku saabsan dib u celinta qoxootiga kasoo jeedo dalalkooda. Waxeyna sheegtay in arinta heshiisyada dib u celinta ay muhiim gaar ah u leeyihiin dowladeeda, sidaas darteed ay muhiim tahay in dadka aan xaqa u laheyn maganngalyo lagu celiyo dalalka ay kasoo jeedaan.

Wasiiradan ayaa sidoo kale raacisay inay la kulmi doonto madaxda ururada afrikanka ah iyo kuwa caalamiga ah ee gobolka, ayna isku dayi doonto inay wadamada afrika kusoo darto doodaha siyaasada magangalyada ee Norway.

Waxaan soo fiirin doonaa dugsi quraanada:

Listhaug ayaa hadalkeeda ay warbaahinta u sheegtay ku dartay inay usoo koor gali doonto xaaladaha caruurta soomaalida ah ee loo diro dugsi quraanada kuyaal wadamada dibada. Dhawaan ayay aheyd markii uu wargeyska NRK warbixin ka diyaariyay xaalada caruuur soomaali ah oo sheegay inay jirdil kula kulmeen dugsiyo quraan oo la geeyay.

Wasiiradan ayaa hadalkeeda u dhigtay in caruurtan loo celiyo sababo la xiriira in looga cabsi qabo inay raaceen dhaqanka norwiijiga(for norske).

Sababo la xiriira dhanka amniga, ma aysan sheegin wasiiradan xiliga ay dalalkan booqan doonto, balse waxey muujisay inay rajeyneyso inay wax kasoo faa’iido kulankan, iyo kulamada ay la qaadan doonto madaxda dalalka ay booqan doonto.

Soomaaliya ma booqan doontaa ama mala kulmi doontaa madax soomaali ah: 

Soomaaliya kuma jirto liiska wadamada ay Listhaug carabowday inay booqan doonto. Balse waxaan ognahay in safaarada Norway ee Kenya ay sidoo qaabilsantahay Soomaaliya, isla markaana ay dhici karto inay Listhaug halkaas kula kulanto madax soomaali ah, hadii aysanba safar saacado kooban qaato aysan ku tagin Airportka Muqdisho, si ay u muujiso in xaalada amaan ee Muqdisho ay soo hagaagtay?.

Arinta dib u celinta qoxootiga iyo waliba arinta dugsi quraanada ay Listhaug sheegtay inay soo baari doonto xaalkooda, waxey si gaar ah u taabanayaan soomaalida, marka Kenya ay Listhaug booqaneyso. Qoxooti Kenya kasoo jeedo oo badan Norway kuma noola, sidaas darteed arinta heshiisyada dib u celinta ay Listhaug ka dhawaajisay ma khuseeyo Kenya, taas badalkeeda wuxuu toos u khuseeyaa Soomaaliya.

Wixii arintan kusoo kordha gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

 

Xigasho/kilde: VG.NOBT.NO

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments