Italy: Nin soomaali ah oo fara xumeyn ku sameeyay haweeney fool ah!

0
156

Sida uu qoray wargeyska La Stampa habeenkii uu soo galayay sanadkan cusub ee 2018, nin soomaali ah ayaa isbitaal kuyaal magaalada Roma, faro xumeyn ugu geystay haweeney foolaneysay. 38-jirkan soomaaliga ah ayaa xirtay dharka kalkaasooyinka caafimaadka, si ay ugu fududaato inuu isbitaalka galo.

Haweeneydan ayaa xiliga uu ninkan kula kacayay faraxumeynta, waxa ay sugeysay umulisada isbitaalka. Waxa ay ku sugneyd qeybta dhalmada ee isbitaalka. Qeylo kadib ayaa usoo gurmaday kalkaalisooyin iyo dhakhtar ka howlgala isbitaalka.

Ninkan soomaaliga ah oo da’diisa lagu sheegay 38 sano jir ayay warbaahintu sheegtay inuu Talyaaniga degenaa shan sano, isaga oo dalkaas ku leh sharci magangalyo. Waxaana uu hada ku xiranyaahy xabsiga, isaga oo maxkamad lasoo taagi doono 10-ka bishan Janaury.

Ninkan ayaa sheegay in ilaahay oo kali ah uu ogyahay sababta uu arintaas u sameeyay. Iyada oo qareenka ninkan uu codsaday in la baaro caafimaadkiisa maskaxeed, kahor inta aan maxkamada la hor keenin.

Xigasho/kilde: La Stampa  Corriere Della Sella

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments